Hargaysa (Raxanreeb ) – Magaalada Hargaysa ee Somaliland maanta oo Sabti ah waxaa laga dejiyay maydka AUN sarkaal muhiim ahaa oo ka tirsanaa Hay’adda duulista – hawada Soomaaliya.
Garoonka Aadan Cadde ayaa laga duuliyay maydka Dahable halkaas oo ay ku sugnayeen xildhibaano labada aqal ah oo deegaan doorashadooda ay tahay Somaliland.
Aabaha dhalay marxuunka ayaa dalbaday in wiilkaas lagu aaso magaalada Hargaysa isla markaana ay muhiim ay tahay in aan la siyaasadeeyn.
Kiiska Cabdinasaair Dahable ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana soconaya baaritaan ku aadan dilkiisa oo loo soo xiray illaa 6 qof, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.
Somaliland ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samayn doonto maydka Cabdinaasir ka hor inta aan la aasin , waxayna xustay in dilkaas ay ka soo saari doonaan warbixin rasmi ah.
Si kastaba Cabdinasir Muuse Dahable ayaa kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo la xariirtay cilmiga Hagidda Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa.
Leave a Reply