Somaliland oo jawaab ka bixisay hadalkii golaha wadatashiga qaran

Muqdisho (Raxanreeb) — Maamulka Somaliland ee sheegay inuu ka go’ay inta kale ee Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray  Golaha wadatashiga Qaran.

Hadalka kasoo yeeray Golaha wadatashiga Qaran ayaa ahaa inay madaxda iyo shacabka Somaliland ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda ayaa waxaa Somaliland ay deg deg uga jawaabtay hadalkaas.Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore ayaa sheegay in hadii ay cid la talinayaan oo ay wax yihiin golaha wadatashiga ay badbaadin lahaayeen shacabka hortooda maalin walba lagu dilayo.Wasiirka ayaa sheegay in maalin kasta Soomaaliya lagu dilo dad shacab ah oo ay mas’uul ka yihiin Golaha wadatashiga qaran loogana baahan yahay  inay dadkooda u tashadaan oo ay ka badbaadsaadan cadawga dilaya.Saleemaan Cali Koore ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inaysan waqti isaga lumin arrimaha Somaliland isla markaasna looga baahan yahay inay ku ekaadaan xalinta dhibka heysto shacabka ay madaxda u yihiin.“Shacabka hortooda ugu dhimanaya sida Ayaxa iyo Kaneecadda la buufiyey oo kale ayaa tallo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna” ayuu wasiir Saleemaan Cali Koore oo qabtay shir jaraa’id.Somaliland ayaa mar walba ka jawaabta hadallada iyo go’aanada kasoo baxa Dowladda Soomaaliya eek u saabsan arrimaah Somaliland, iyaga oo aaminsan inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.SomaliSomaliland ayaa dhowr sano ka hor ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan balse illaa iyo hadda ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxaana sidoo kale diidan Soomaalida inteeda kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.