Dil lagu fuliyay xubin ka tirsan Al- Shabaab oo ka qayb-qaatay dilkii C/wali Sheikh Cali Cilmiyare

Gaalkacyo Raxanreeb )  Maxkamadda Ciidamada ayaa saaka dil toogasho ku fulisay xubin ka mid ah Al- Shabaab oo lagu helay inuu qeyb ka ahaa dilka Sheikh C/wali Sheikh Cali Cilmiyare dilkaas oo dhacay sanadkii 2018.

Dhagar qabe Cabdullaahi Cali Aadan  ayaa xukunka dil maxkaddu ku riddey sanadkii 2020 maanta ayaana cadaaladda la marsiiyay.

Goobta dilkan uu ka dhacay , waxaa ku sugnaa xubno ka socday Maxkamadda ciidanka Qalabka sida kuwaas oo sheegay in dilkan uu u dhacay si waafaqsan cadaaladda dalka.

Weerar qaraxyo ku bilowday ayaa lagu dilay  Sheikh C/wali Sheikh Cali Cilmiyare kaas oo  sanadkii 2018 ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Horaantii 2020 ayaa maxkamadda Ciidamada Qalabka sida dil toogasho ah ku xukuntay, xubintan ka tirsan Al Shabaab ee weerarka ka qayb galay saaka  ayaa lagu fuliyay.

Magaalada Gaalkacyo  Galmudug ayaa noqonaysa markii ugu horaysay lagu tooganayaa xubin ka mida Al-shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ayaa kordhisay fulinta dilalka , shaqsiyaadka loo – haysto falal la xiriira dil iyo qaraxyo ka dhacay meelo ka mid ah dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.