Somaliland oo mamnuucday bannaan baxyada

Hargeysa (Raxanreeb) Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahi Axmed ayaa sheegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabeysay codsi bannaanbax ah oo uga yimid Ururada Bulshada Rayidka & Ururka u dooda xaququl Aadanaha ayaa gebi ahaanba mamnuucday in xilligaan degaannada Somaliland laga sameeyo bannaanbax.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliland oo uu ku saxiixan yahay Wasiiraka Wasaaradda Maxamed Kaahin Axmed lana ogeysiiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex & dhamaan Maamulka Magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in aanay Suurtagal ahayn in Wakhtigan oo lagu jiro Ansixintii iyo Hawlihii Ururada aanay wax isku soo baxa ah la samayn karin, lana joojijay in la sameeyo wax isku soo bax ah.

Xukuumadda Muuse ayaa cadaadiska ku saaraysa Mucaaradka inaysan qabsan bannaan baxyo looga soo horjeedo Xukunkiisa.

Dhowaan ayay xilli ay Mucaaradka qabsanayeen bannaan baxyo ka dashay khasaare kala duwan Dhimasho iyo dhaawacba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.