Shacab laga soo furtay Al-Shabaab.

Beledwayne (Raxanreeb ) Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal ka dhacay degaano ka tirsan degmada Maxaas ay ku dileen xubno ka tirsan Al – Shabaab.

Dagaalka dhaxmaray ciidanka Dowladda Federaalka iyo Al- Shabaab ayaa yimid ka dib markii ciidanka Dowladda weerar ay ku qaadeen goobo ay ku tuhsanayeen Al- Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Maxaas , Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ay soo furteen dad iyo xoolo ay Al-shabaab ka afduubteen deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Wararka RBC uu ka helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisado colaadeed iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka jiraan degaano badan oo katirsan Gobolkaas.

DHANKA KALE :

Al-shabaab iyo ciidamadda Macawiiley ayaa siyaabo kala duwan kaga hadlay dagaalka ka dhacay Deegaano hoos yimaadda Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa dhacdooyin isugu jira dilal iyo gubida Ceelal iyo Xarruumo Isgaarsiineed ka waday deegaannada hoos yimaada Gobolka Hiiraan.

Degmooyin badan oo gobolka Hiiraan waxaa ka taagan dagaalo abaabulan oo u dhaxeeya kooxda Macwiislayda , kuwa Dowladda iyo Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.