Ma ogtahay tirada Soomaalida ee ku dhintay dhulgariirkii Turky-ga?

Ma ogtahay tirada Soomaalida ee ku dhintay dhulgariirkii Turky-ga?

Istanbul (Raxanreeb ) Dalalka Turkgia iyo Siiriya waxa ka socda wali dadaalada lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka ku jira dhimayaasha hoostooda ka dib dhul-gariirkii ku duftay dalalkaas.

Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay dhulgariirka sida ay shaaciyeen kooxaha  gurmadka ee ku howlan badbaadinta dadka ku waxyeeloobay dhulgariirka burburka dhismayaasha.

In ka badan 28 kun oo qof ayaa lagu soo waramayaa in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhulgariirka oo cabirkiisu yahay 7.8.

Sidoo kale, shan qof oo Soomaali ah oo ku dhintay dhul-gariirka ayaa shalay la aasay, iyadoo 4 hablood oo Soomaali ahna ay ka mid yihiin dadka wali la la’ yahay.

Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu u furi lahaa laba waddo oo cusub oo loo maro qaybaha ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya.

Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, in ka badan 70 waddan oo caalamka ah ayaa Xukuumadda Ankara ku garab istaagay howsha lagu raadinayo Dadka la waayay ee ku sugnaa dhismaha dumay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.