Waa side Xaaladda Laascaanood oo saaka markale dagaal uu ka qarxay ?

Waa side Xaaladda Laascaanood oo saaka markale dagaal uu ka qarxay ?

Laascanood (Raxanreeb ) Dagaal ka culus kii shantii maalin ee la soo dhaafay socday ayaa maanta  ka socda  gudaha iyo hareeraha magaalada Laascanod ee gobolka Sool sida ay sheegeen goobjoogayaasha.

 Dagaalka ayaa ka socda saaka bariga iyo koonfurta magaalada  , halkaas oo laga maqlayo jugta hubka culus ee ay is dhaafsanayaan , ciidanka Somaliland iyo kooxaha Kacdoonka ee diidan maamulka Somaliland.

Dagaalkan xooggan ee ka socda maagalada ayaa imanaya saacado uun kaddib markii xukuumadda Somaliland ay shaacisay xabbad joojin aanay shuruud ku xirnayn.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saacadaha badan socda, kaas oo dhinacyada dagaallamaya ay isku eedaynayaan.

Ciidamada Somaliland oo ku sugan saldhigyo ka baxsan Laascaanood ayaa magaalada ku garaacaya hubka culus ee Artillery-ga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegtay in tan iyo markii uu dagaalka billawday Isniintii todobaadkii hore 6da Febaraayo 2023 difaac ku jireen Ciidamadooda, keliya ay iska difaacayeen weerarada lagu qaaday.

Laakiin hadalkaas waxaa jawaab ka bixiyay Odayaasha dhaqanka Magaalada Laascanood kuwaas oo sheegay in ciidanka Somaliland gabood falo ay ka gaysteen gudaha magaalada Laascanood dagaalkana iyaga ay soo qaadeen.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka  Laascaanood ka socda isla markaana wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex jirta Somaliland & dadka deegaanka ee goblada Sool , sanaagn iyo  Cayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.