Somaliland oo sheegtay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka inay qeeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Somaliland oo sheegtay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka inay qeeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Raxanreeb) — Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ciidamo ka yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay qayb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qodobo dhowr ah oo ka soo baxay kulan uu madaxweyne Muuse Biixi ku hoggaaminayay shirka golaha wasiiradda Somaliland ayaa looga hadlay xaaladda Magaaladda LaasCaanood, war-murtiyeedka ka soo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo taageeraya kuwa deegaanka ay ka dagaalameen Laascaanood.

“Waa in Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland, ayaa marar badan maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada dowladda federaalka ku eedeysay ka qayb qaadashada dagaalka muddada bisha ku dhaw ka socda Laascaanood.

Puntland ayaa horay u beenisay in ciidamadeeda ay ka dagaalameen Laascaanood balse Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markii ugu horreysay ay Somaliland u jeedisay eedeyntan ayaan weli ka hadlin arrintan.

Eedeynta Somaliland ayaa imaanaysa xilli guddi dhexdhexaadan ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay ku suganyihiin magaalada Laascaanood.