Cali Guudlaawe oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

Jowhar (Raxanreeb) — Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta soo saaray laba wareegto oo is xigxigay aya xil kaa qaadis ku sameeyay xubno kamid ah golihiisa wasiirada isagoo magacaabay kuwa kale oo cusub.

Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulkaasi, isaga oo jagadaas u magacaabay Faarax Cumar Cilmi Daahir.

Sababta ka dambeysa isbedalkan ayaa waxaa lagu macneeyay dardar-gelinta howlaha kala duwan ee wasaaraddaasi.

“Markuu arkay madaxweynaha baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Faarax Cumar Cilmi Daahir loo magacaabay inuu noqdo wasiiru-Dowlaha Wasaaradda,” ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wareegta kale oo labaad ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi oo kamid noqonaya golaha wasiirada ee HirShabelle.

“Markii arkay madaxweynaha ahmiyadda ay leedahay xoojinta howlaha kala duwan ee Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta DHSH ayaa Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaraddam” ayaa markale lagu yiri.

Qoraalka ayaa inyaas kusii dara “Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, wuuna saxiixay”.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa marar badan isbeddal badan ku sameeyay golihiisa wasiirada, taas oo ugu wacan tahaya khilaafaadka hareeyay maamulkaasi.

HirShabelle ayaa ah maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee ka aas aasmay waddanka, waxaana weli ka jira caqabada dib u dhigay hormarkii maamulkaasi oo ka arrimyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.