Hargaysa (Raxanreeb ) Somaliland ayaa si adag uga hor timid , go’aankii Dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday dalka Aalada TikTok oo ka mid ah baraha xiriirka bulshada
Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa aya sheegay in go’aankaasi aanu Somaliland khusayn.
Waxa uu sheegay Wasiirka in go’aankaas uu yahay mid quseeya keliya Dowladda Soomaaliya , isla markaana ka shaqayn doonin guud ahaan deegaanada Somaliland.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Somaliland in labada dhinac ay yihiin laba dal sidaas darteeda aysan is quseyn karin go’aanka shirkadahana looga baahan yahay in aysan ku kadsoonim.
Waxa uu sheegay wasiirka in Somaliland ay samaysay xeer loo isticmaali doono danbiyada ka dhaca baraha bulshada iyo anshaxooda laakiin aanay xidhidu xal ahayn, sida ay sameynayso dowladda federaalka.
Si kasta waxaa isha lagu hayaa si dhow hadii ay dowladda fulin doonto amarkeeda iyo in ay wax iska badali doonaan, kadib qeylada kasoo yeertay bulshada isticmaasha barahaasi.
Leave a Reply