Soomaali afduub loogu geystay Konfur Afrika

Mayfair (Raxanreeb) — Kooxo Burcad ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika waxa ay ka billaabeen afduub dadka ka kala soo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya si ay uga qaataan lacago madax furasho ah.

Arrintaan ayaa dhowrkii malmood ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacday meelo kamid ah Xaafadda Soomaali ay ku badan tahay ee Mayfair, isla markaana maalmihii la soo dhaafay dad badan la afduubtay.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Xaafadda Mayfair ayaa sheegay in dadka la afduubtay uu kamid yahay Milkiilaha Hotel-ka caanka ah ee Magaalada Johannesburg , kaas oo weli gacanta kooxaha Burcadda ah ku maqan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatadaan kajirta Magaalada Mayfair aysan ku baraarugsaneyn dadka Soomaaliyeed oo qaarkood Gaacsato ah, isaga oo Booliska ugu baaqay inay arrintaan wax ka qabtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa 15-kii sano ee la soo dhaafay kajiray dhhibaatooyin isugu jira dilal, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loo geysanayay Soomaalida iyo Itoobiyaanka, iyada dowladda Koonfur Afrika ay wax ka qaban la’dahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.