Soomaaliya : Cudur Beec ah ah ayaa laga heli karaa !!

Soomaaliya : Cudur Beec ah ah ayaa laga heli karaa !!

Muqdisho (Raxanreeb )- Dalka waxaa ku soo batay Cuduro ay ka mid yihiin, Gaas Calooleed,  kaadida oo la ceshan waayo Qofkii oo aan Sokorow iyo Burustaato qabin, Neef tuu’r, xididada oo Xirmo, Saxarada oo is bedesho iyo Xanuuno kale oo Dalka ku cusub Saqiir iyo Kabiirba.

Maanta waxaa ii suura gashay in aan Baaritaan Hor dhac ah ku sameeyo, Cuntooyinka naloo keeno qarkood.

1.  Burka loo yaqaan “Mumtaz” ee 25kg ee laga keeno Dalka Turkiga. Qamadiga ku jiro Qiyaastii kama badno 30%, inta kale waa waxyaabo dambas kiimikaad ah. Isla Burkaan 25kg waxaa lagu iibiyaa Magaaladda Istanbul oo ah halka aan ka soo gadano 20 Dollar.

Laakin, Suuqyada Xamar waxaa lagu iibiyaa 12 Dollar Burkaan Mumtaz.

labada Burba waxaa lagu sameeyaa Hal warshad waana isku magac. laakin, kan naloo soo dhoofiyo ee Raqiista ah lama ogolo in Istanbul dhaxdeeda lagu isticmaalo.

Burkaan Mumtaz ee Naloo keeno, Inkasta oo ay ku dul qoran tahay in uu dhacayo Hal sano kadib, Haddana waxa uu jiri karaa 2 Bil, wixii ka dambeeyo waa in Ganacsatadu ay iska xaraashaan sababta oo ah waxaa isbedelayo Urkiisa iyo dhadhankiisa, waxaana laga qaadi karaa Cuduro.

 Ganacsatada Somalida ayaa Dalbato nuucan raqiista ah waxaana la keenaa Dalka, 8da Dollar ee u dhexeeyso labada Sicir ee isla Labada Mumtaz ee 20$ iyo 12$, qiimo ahaan ma ahan Faa’iido u soo hartay Shacabka ee Marka aad ku xanuunsato ayaad ku iibsanee Daawo laga keenay Turkiga ama meela kale, ama Caafimaad ayaad  Hindiya  u aadee.

Ma ahan khalad ay sameysay Dowladda Turkigu ee waa xiriir dhax maray laba Ganacsato, laakin, waxaa ku filan in laga Codsado Dowladda Turkigu in ay hor istaagto in naloo soo dhoofiyo wax ka hooseeyo “Standard” ay iyagu isticmaalaan, Burka aan wanaagsaneyn ma ahan Mumtaz oo kaliya ee Nuucya badan oo Wadamo badan laga kala keeno ayaa jiraan. ( F.S:1-2aad)

2. Baastada loo yaqaan ( Badria) in kasta oo Xayeesiin ahaan loogu qoray (Italian Qualty) Nuuca Talyaaniga. Hadana laguma sameeyn Dalka Talyaaniga ee waxaa laga keenaa Dalka Turkiga. Waxaana laga sameeyay Qamadi Tayadiisu Hooseyso oo ay Dalbadeen Ganacsatada Somalidu. (F.S:3aad)

3. Caana Buuraha oo Badanaa ka yimaad Imaaraadka, Hindiya iyo Sucuudiga.

( Wadamadaa  oo aan Xoola Badanba Qabin oo aan Annagu Hilbka u dhoofino ayaa noo soo dhoofiyo Caano) .

 Caanaha naloo keeno kuligood Caano saafiya ma ahan ee waa ( Fake) laga qaado Cuduro badan. (F.S:4aad)

Baararka Magaalada Mogadishu, markii aad Shaah Cadeeys ah Dalbato haddii uu Caano Booro yahay waa 1 Dollar, Haddii uu yahay Cadeysku Caana Geel waa 1.5 Dollar, waxaa laguugu daraa Hal Macalgo oo Caano Geel ah oo qiimaheedu yahay Nus Dollar. Haddiise Caana Booro in laguugu cadeeyo aad Dalbato, waxaa laguu dhaafaa nus Dollar aad Hore kaniini uga sii iibsato Farmashiyaha ileeyn Xanuun ma huraa tahaye.

Codsi

Hayadda Taya dhowrka Dalka, Wasaaaradda Caafimaadka, Ganacsatada iyo Dowladda Turkiga waxaan ka codsanaa in ay tix galiyaan Caafimaadka Bulshada masaakiinta ah. Baraha Bulshaduna waxa ay xayeysiinayaan hanaga Hubiyeen.

Ma ahan Dalka Turkiya oo kaliya meelaha nalooga keeno Cuntada aan u fiicneeyn Caafimaadka Bulshada, Turkiga ayaaba ugu roon inta wax noo soo dhoofiso.

Intaa ayaan ku soo koobayaa, Cilmi baaristeydii Koobneed ee Maanta, Xirfadeeyda ma ahan arrimaha Caafimaadku, laakin Cilmi baarista ayaa ah.

Mar kale Ganacsatada iyo inta ay dhibee in Xogtaan aan Dadka la wadaago ha iga Raali noqdeen. Adiguna ogaalkaaga nala wadaag.

FG: wixii ka dhimanna ku dar, wixii ka khaldan ka sax.

Qore: Yahya Amir

Leave a Reply

Your email address will not be published.