Madaxda Hir-shabeelle oo iclaamiyay in todobaad lagu soo afjarayo Shabaab

Madaxda Hir-shabeelle oo iclaamiyay in todobaad lagu soo afjarayo Shabaab

Wargaadhi ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo oo ku sugan furimaha dagaalka, ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan ay gobolka Shabeellaha Dhexe, kasoo afjari doonaan kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidanka, iyaga oo la wadaagay qorshaha dagaalka kooxda Al-shabaab.

Deegaanada uu abaabulka ka socdo oo ay madaxda ku sugan yihiin waxaa kamid ah deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe, ayaa ciidamada huwanta ah faray inay dardar geliyaan howlgalka lagu xoreynayo deegaanada Hir-shabeelle ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.

“Todobaadyada soo socda, gulufka mideysan ayaa soo afjari doonaa kooxda Al-shabaab”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Hir-shabeelle.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlgallada ay ka wadaan deegaanada ku yaalla xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.