Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), oo uu weheliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Nuur iyo Danjire Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Heeshiiska ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ay kala saxiideyn ayaa ahaa mid lagu taageerayo dhaqaalaha Soomaaliya, heshiiskaan ayaa ku kacay adduun lacageed oo dhan 86.7 Milyan oo Doolar.
“Heshiiskan ayaa ah mid diiradda saaraya dhinacyada Horumarinta, kaas oo mudnaanta siinaya siinaya: Dimuqraadiyadda, Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka” sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS.
Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageeridda saaxiibtinimo iyada oo islamarkaasna la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeriddaan hanaankii loogu talagalay, sidoo kalena la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Dowladda Mareynka ayaa 25 September 2022 sheegtay in sanadka soo sacda 2023-ka Soomaaliya laga cafin doona dhammaan daymaha lagu leeyahay oo gaaraya illaa 4.5 Bilyan oo doolar.
Kaddib markii xarunta Safaaradda Mareykana ee Muqdisho ay kulan kuwada yeesheen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.
Leave a Reply