Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday 86.7 Milyan USD oo lagu Horumarinayo Dimuqraadiyadda , Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageeridda saaxiibtinimo; iyadoo islamarkaasna la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeridaan hanaankii loogu talagalay, sidoo kalena la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in talaabadan wax badan ay ka tari doonaan horumarinta adeegyada muhiim ah ee ay u baahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka lagu kala saxiixanayay heshiiska oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS, Dr; Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageerada saaxiibtinimo, iyadoo la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeradaan hannaankii loogu talagalay.
Dowladda Mareynkanka ayaa galangal ku leh siyaasada Soomaaliya , waxaana marar badan uu taageero u – muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya , si loogu horumariyo adeegyada muhiim ah
Leave a Reply