Muqdisho (Raxanreeb Online): Soomaaliya ayaa la filayaa inay bisha soo socota bilowdo dhoofinta kalluunka ee dalka Shiinaha, iyadoo laga faa’iideysanayo cashuur-dhaafka ay Beijing u sameysay dalalka Afrika.
Heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu ganacsatada Soomaaliyeed u oggolaanayo inay kalluunka si cashuur-la’aan ah ugu dhoofiyaan suuqa Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado horyaalla dhoofinta kalluunka Soomaaliya, waxaana kamid ah wax-soo-saarka kalluunka oo kooban, warshado waaweyn oo kalluunka farsameeya oo aan dalka ka jirin iyo heerarka tayada oo aan weli si buuxda ula jaanqaadin halbeegyada caalamiga ah.
Inkasta oo kalluumaysiga sharci-darrada ah uu weli caqabad ku yahay xeebaha Soomaaliya, haddana ganacsatada Soomaaliyeed ayaa suuqa Shiinaha u arka fursad cusub oo muhiim u ah kobcinta ganacsiga kalluunka iyo dhaqaalaha dalka.

Leave a Reply