Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhigii 7-aad kulankiisa 30-aad ee golaha, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo ku-xigeenadiisa.
Kulanka xildhibaanada ee maanta ayaa lagu ansixiyay heshiiska Ururka Horumarinta Dowladda Dhexe (IGAD), taasoo ka dhigaysa Soomaaliya dalka shanaad ee si rasmi ah u ansixiya heshiiska.
Heshiiska waxaa baarlamaanka u gudbiyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar (Cali Balcad), isagoo ku booriyay xubnaha baarlamaanka inay ansixiyaan heshiiska, isaga oo xusay muhiimadiisa ku aaddan ka qaybqaadashada Soomaaliya ee arrimaha gobolka iyo xasiloonida siyaasadeed.
Guddoomiyaha Golaha Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in codbixinta lagu sameeyay qaab gacan taag ah iyadoo 144 mudane ay goobta joogeen; 141 ayaa ogolaatay, 2 diiday, hal mudane aa ka aamusay.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan oo ka dhigeysa dalka ee si rasmi ah u ansixiya heshiiska IGAD, waxa uuna sheegay in IGAD ay Soomaaliya soo garab istaagtay xili ay caqabado adag wajaheysay.

Leave a Reply