New York ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo tariikhda tahay 1/1/2026 waxa ay si rasmi ah ula wareegtay xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Muhiimada xilkan waxa uu yahay dajinta ajandaha kulamada, guddoominta fadhi kasta oo rasmi ah iyo wadatashiyada gaarka ah iyo matalaada marka lasoo saarayo bayaan ama war-saxafadeed.
Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu door ka ciyaaraa fududeynta wada-hadalka iyo aragti kala duwaanshaha xubnaha iyo ilaalinta dhex-dhexaadnimada xubnaha golaha.
Xilka ayaa bil kasta waxaa qabtay 15-ka xubin ee golaha, waxaana ka hor Soomaaliya xilkan qaban jiray xubin kale oo katirsan golaha ammaanka.
Tallabadan ayaa Soomaaliya u noqoneysa mid muujineysa hormarka dalka ee dhinaca diblumaasiyada iyo lasoo bandhigo xaalada amniga ee Soomaaliya.
Golaha ammaanka ayaa ka kooban 15 xubnood oo shan kamid ah joogti yihiin kuwaasi oo kala Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, UK iyo Ruushka.

Leave a Reply