South Africa : Soomaalidii ugu horeysay ayaa laga tarxiilay + sababta.

South Africa : Soomaalidii ugu horeysay ayaa laga tarxiilay + sababta.

Pretoria (Raxanreeb ) Seddax muwaadin oo Soomaali ah ayaa  laga tarxiilay dalka koonfur Afrika iyagoo qeyb ka ah tiro ajaanib sharci la’aan dalka koonfur Afrika ku joogay balse bilihii ugu dambeeyay ku jiray xabsi kuwaa oo ay maxkamadd ku xukuntay in la tarxiilo

Sida aan xogta ku helnay 3 sedaxda Muwaadin ee Soomaaliyeed ayaa kamid ahaa 8 qof oo dhawaan loo gudbiyay Xabsiga Weyn ee La geeyo dadka la Tarxiilo ee Lindela ee magaalada Pretoria

Tirada dadka la tarxiilay ayaa kor u dhaafeeysay todobaneeyo oo ay ku jiraan muwadiniin kasoo jeeda dalka Ethiopia oo la qabtay iyago sharci la’ aan dalka kusoo galay

Xubno katirsan saraakiisha home affairska ayaa la arkayay iyagoo Muwaadiniinta ajaanibta ah oo ay ku jiraan seddax qof ee Somalida usii gudbinaya garoonka Ortambo ee  magaalada Johannesburg si dalkooda dib loogu celiyay

Wali xabsiga Lindela waxaa ku xiran ilaa 4 Muwaadin oo soomaali ah kana mid ahaa Muwaadiniin Soomaali sharci la’aan loo xiray kuwaa oo maxkamadd ku taala Degmada musina ay ku xukuntay in la tarxiilo.


Si kastaba waa markii ugu horeeysay oo Muwaadiniin soomaali ah sharci la,aan looga tarxiilo dalkani Koonfur Afrika .

Leave a Reply

Your email address will not be published.