Sudan oo ay dagaalo culus ka socdaan, inkasta oo lagu heshiiyey xabad-joojin

Khartoum (Raxanreeb) — Dagaal xooggan ayaa ka dhacay gudaha iyo agagaarka caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, inkasta oo dhinacyada ku dagaalamaya dalkaasi ay hore isugu raaceen heshiisyo xabbad-joojin ah.

Ciidamada dawladda Sudan iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa midba kan kale isku dayayaa inuu ka fara-maroojiyo xarumaha ku yaalla badhtamaha caasimadda Sudan, iyo gacan ku haynta goobaha ku hareeraysan madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka xumaaday rabshadaha ka sii socda dalka Sudan, isaga oo soo rogay cunaqabatayno, si loo xannibo qof kasta oo u dhashay dalkaas oo caqabad ku ah, geeddi-socodka dimoqraadiyadda Sudan. Waxaana tallaabooyinka cunaqabataynta ah ee la qaadayo ka mida, in ka xayiro hantida iyo xisaabaadka uu ku leeyahay Maraykanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la soo afjaro colaadda ka socota dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Sudan ayaa sheegtay in inkabadan 500 oo qof inay ku dhinteen colaadda Sudan, halka in ku dhow 5,000 oo qofna ay ku dhaawacmeen, tan iyo markii uu dagaalku ka bilawday dalkaas bishii April 15-keedii.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM ayaa toddobaadkan sheegtay in ugu yaraan 334,000 oo qof inay ku barakaceen dagaalada.

Warbixintan waxaa qortay VOANEWS

Leave a Reply

Your email address will not be published.