Khataraha burcad badeeda ee xeebaha Soomaaliya oo korortay

Khataraha burcad badeeda ee xeebaha Soomaaliya oo korortay

Waxaa sii kordhaya khataraha laga muujinayo weerarada burcad-badeeda ay ka fulinayaan badweynta Hindiya, iyada oo muddooyinkii dambe Maraakiib shixnado kale duwan waday la afduubtay.

Qiimaheynta ugu dambeysay xarunta wadajirka ee macluumaadka Badaha, ayaa tilmaamtay in xeebaha Soomaaliya ay wajahayaan khatar burcad badeednimo.

“Waxaa jira caalamado muujinaya khatarta burcad badeeda oo ku sii kordheysa gobolka”ayaa lagu yiri digiinta, iyada la sheegay in Maraakiibta lagu booriyay feejignaan sare muujiyaan, isla markaana dhaq-dhaqaaq kasta oo ay dareemaan u soo gudbiyaan Ururka la socodka amniga Maraakiibta ee United Kingdom maritime.

Sikastaba digiintan ayaa timid kaddib markii ay kordheen weerarada burcad-badeeda, iyada todobaadkii hore saacado gudahood ku qabsadeen labo Markab oo ganacsi oo marayay xeebaha Bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.