Taliska AFRICOM oo ka hadlay duqeymo ka dhacay dalka

Taliska AFRICOM oo ka hadlay duqeymo ka dhacay dalka

Muqdisho (Muqdisho) Maalmihii la soo dhaafay deegaano badan oo dalka ah ayaa Dowladda Soomaaliya iyo saxiibadeeda waxa ay ka wadaan beegsiga xubno ka mid ah kooxda Al Shabaab

Saraakiil ka tirsan Dowlada ayaa warbaahinta u sheegay in duqeymahaas ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray kooxda Al Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen saldhigyo ay al shabaab kaga sugnaayeen inta u dhaxaysa degmada sablaale iyo Tulada Carabow waxaa la beegsaday saraakiil ajaaniib ah oo Ka tirsan ajaaniibta ka bar bar dagaalanta al shabaab.

Sida lagu sheegay qoraalka, waxaa weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, mana jirin wax khasaare ah oo dadka shacabka kasoo gaaray weerarka.

War ka soo baxay laamaha amniga Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay , in ilaa 6 horjooge oo ka tirsan Kooxda Al shabaab lagu dilay duqeyntaasi.

Dhowaan ayay ahayd marki War-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM lagu sheegay in duqeyn cirka ah, 17-kii Bishan December lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.