Taliska nabad sugidda Koonfur Galbeed oo soo bandhigay Eedeysanayaal Al-Shabaab

Taliska nabad sugidda Koonfur Galbeed oo soo bandhigay Eedeysanayaal Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo bandhigtay 11 xubnood oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in raaan 11 ah inay kamid ahaayeen Xubnaha Al-Shabaab ee ka howlgallayay Saldhigyada ay ku leeyihiin Gobolada Jubbooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeelada Dhexe, Mudug & Hiiraan.

oo Warbaahinta la hadlay ayaa sababta ay Al-Shabaab uga soo baxeen waxaa ay ku sheegeen inay ahay Dhibaatada iyo go’odoonka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa ay baaq u direen Saaxibadooda kale ee ku jira Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Nabadsugida, iyaga oo sheegay in wanaagsan loo soo dhoweeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.