DG sida ay u doonayaan inay u fashiliyaan DF & Shirar ka socda Villa Somalia.

DG sida ay u doonayaan inay u fashiliyaan DF & Shirar ka socda Villa Somalia.

Muqdisho (Raxanreeb ) Culays siyaasadeed ayaa ka dhashay warka wadajirka ahaa ee ka soo baxay Wasiirada Maaliyadda maamul- gobooleedyada kaas oo gabi- ahaanba ay xiriirka wada shaqaynta ahaa loogu jaray Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Inta badan culayska Dowladda Federaalka uu fuulay ayaa kaga yimid maamulada Puntland , Jubbaland oo gacan ka helay , Galmudug , kuwaas oo markii horeba saluugsanaa dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Villa Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay waxaa ka socday shirar gooni gooni ah oo looga hadlay dhawaqa aan dhegaha u wanaagsanayn ee ka soo yeeray maamul goboleedyada oo u muuqda in ay doonayaan isbahaysi si ay u gaaraan danaha ay leeyihiin.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in markaan u jihaysto xal ka gaarista khilaaf kasta oo kaga imaan kara maamul goboleedyada kuwaas oo durbadiiba bilaabay qorshe ay ku kala dhantaalayaan maamulka jira.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba , in la doonayo in maamulada qaar ay fashiliyaan Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamed gaar ahaan in qorshahaas waxa riixaya maamuladii ku safka ahaa Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xirin kanaalada Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kaga imaaayaan , muranka waxa ay leeyihiin aqoonyanada waxa uu ku dhamaysan doono mudada uu joogo MD Xasann Sheekh Maxamuud khilaaf isagoo aan qaban waxyaabihii laga sugayay.

Xiriirka Maamul goboleed ayaa sii xumaaday maalmo uun ka dib markii Madaxwaynaha Dowlada Federaalka booqasho xal raadin ah oo aan natiijo laga gaarin uu ku tagay magaalada Garoowe si ugu yaraan u soo qanciyo Puntland oo saluugsan dhismaha xukuumadda .

Is jiid jiidkan siyaasadee ee bilowga ah ayaa la rumaysan yahay in uu keeni karo saamayn xaga dhanka dayn cafinta iyo in uu ragaadiyo hanaanka geedi -socodka dowladnimada , maadama la doonayo in waqtiga yar ee Dowlada lagu qabto wax badan oo daw u ah shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa muhiim ah ayaa la leeyahay in Madaxwayne Xasan Sheekh , Raysulwasaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare , iyo Madaxweynayaasha maamul- goboleedyada ay ka wada hadlaan si loo helo wada- shaqaynta Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.