Askarta DF oo sii wada dilka Bajaajlayda &  mid kale oo lagu dilay Muqdisho

Askarta DF oo sii wada dilka Bajaajlayda &  mid kale oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wade mooto bajaaj ayaa maqribnimadii caawa lagu toogtay  agagaarka Tarabuunka  degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sida goobjoogayaashu ay sheegeen dilka waxaa geystey Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ee ku sugan isgoyska Terbuunka halkaas oo cariri xooggan uu ka jiray.

Muran dhaxmaray askariga iyo Bajaajlaha ayaa sababay in dilkan uu dhaco sida dad ku sugan halka ay wax ka dhaceen ay xaqiijiyeen.

Bajaajlaha la diley walalkiis ayaa  bilooyin ka hor sidan oo kale waxaa toogtay askari ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho dhawrkii maalin ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay tiro badan oo Bajaajle ah kuwaas oo dilkooda ay ka danbeeyaan askarta Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.