Taliyaha CXD oo sheegay inay ka go’antahay DF howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen.Odowaa Yuusuf Raage oo lahadlay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo loo diyaariyay fulinta howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ayaa sheegay in ay garab-taagan yihiin Ciidamada iyo Dadka deegaanka ee iskaashanaya.

Gen. Odowaa ayaa sheegay in howlgallada socda ay ku waayeen saraakiil & Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka loona baahan yahay in laga gungaaro ujeedka ay u dhinteen oo ah in ‘AS’ laga qabsado deegaannada ay joogaan.

Waxa uu Shacabka ka codsaday in la kordhiyo taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka & Dadka Deegaanka ah si loo xoojiyo nabadgalyada deegaannada la qabtay iyo waddooyinka isku xira.

Iskaashiga Ciidamada Dowladda & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf in ay meesha ka saartay miinooyinka ‘AS’ waddooyinka gelin jireen waa sida uu hadalka u dhigay.

“Farxadeena lama soo koobi karo, runtii unug weliba oo idinka mid ah waxa ay waajib kasoo qaadatay in cadawga caburinta & caga-jugleynta shacabkaan ku hayay 15 sano ka dulqaadeen, Maalintii aad kusoo biirteen Ciidanka Xoogga Dalka ee aad kasoo baxdeen tababarradii kala duwanaa wax weyn ayaa iska baddelay sharafta Ciidanka Soomaaliyeed waana ku mahadsan tihiin taariikhdana way idin xusi doontaa” Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka usoo jeediyay in ay xoojiyaan howlgallada ay wadaan iyaga oo gudanaya waajibaadka saaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.