Taliyaha sirdoonka Turkiga oo wadahadallo la yeeshay madaxda Suudaan

Taliyaha sirdoonka Turkiga oo wadahadallo la yeeshay madaxda Suudaan

Khartum (Raxanreeb) — Taliyaha sirdoonka dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa wadahadallo la yeeshay madaxda militeriga ee Suudaan, waxay ka wadahadleen in la is-weedaarsado xogta sirdoonka iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal.

Hakan Fidan wuxuu kulan gaar ah la yeeshay madaxa golaha sare ee ka taliya Suudaan , janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xamdan Dagalo, waxaana goob joog ka ahaa taliyaha sirdoonka Suudaan Axmed Ibraahim Mufadal.

Taliyaha sirdoonka Turkiga uu siday farriinta ah in dalkiisa uu taageerayo heeshiiska ay dhinacyada Suudaan ka gaareen qaab dhismeedka heshiis lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed.

Turkiga ayaa ka mid ahaa dalalka beesha caalamka ee taageeray heshiiskan, kaas oo loogu talagalay in lagu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa ee Suudaan.