Taliye Odawaa oo shaaciyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Xawaadley

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo saakay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ku yaalla deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 km u jira degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odowaa oo u warramay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa shaaciyay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la dilay 21 xubnood oo ka tirsanaa xoogaggii weerarka ku soo qaaday saldhigga deegaanka Xawaadley, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Xoogga dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in dhankooda laga dilay illaa 5 askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee millatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo maamulayey saldhigga la weeraray.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada dowladda ay weli ka wadaan halkaas howlgal ay ku baadi goobayaan xubnihii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

“Ciidamada ayaa wali sii baacsanaya firxadka Khawaarijta Al-shabaab ee saakay soo weeraray deegaanka Xawaadleey,” ayuu yiri taliye Odowaa Yuusuf Raage.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogagga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabsadeen hub iyo gaadiid.

Xawaadley oo kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa 20 km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayadoo haatan inta badan Al-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oo muddo fog ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, hasa yeeshee shalay uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday gaari walxahaha qarxa laga soo buuxiyayay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hatiyadeed.