AAW ”Igu sawirta farumaha dagaalka ka socoto waxay goboodfal ku tahay halyeeyada runta ah”

AAW ”Igu sawirta farumaha dagaalka ka socoto waxay goboodfal ku tahay halyeeyada runta ah”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda – meelo badan oo dalka ah.

Hase ahaatee waxa uu si layaab leh uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sawirada harqiyay baraha bulshada ee loo bixiyay igu sawirto madaxda iyo saraakiisha safka hore kaga jirin howlgalada ka socda dalka.

Isgoo ka hadlayay weerarkii ugu danbeeyay ee ka dhacay deefaanka Xawaadlay ee hoostaga Balcad ayuu sheegay in lagu waayay geesi wax badan u taray shacabka Soomaaliyeed.

‘’Allaha u naxariisto Kornayl Abshir Maxamuud (Shataqeey) oo saakay ku shahiiday dagaal argagexisada lala galay.

Igu sawirta sida xawliga leh ee maalmahan farumaha dagaalka ka socoto waxay goboodfal ku tahay halyeeyada runta ah, sida Shataqeey oo kale, oo naftooda u huray dagaalka argagexisada, waxay kaloo jahwareerisay qadarintii iyo cisigii uu shacabku u hayn lahaa geesiyada sababta u ah guusha dagaalka’’ ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isagoo sii hadlaya  ayuu markale qoraalkiisa ku sheegay Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

‘’Waa in libin igu sawirta baraha bulshada qarqisay lagu bedelaa muuqaalo dhab ah oo laga soo tebiyo geesiyada dagaalka ee naf, maskax, itaal iyo waqti u huray halganka argagexiso la dirirka, si halyeeyada dhabta ahi u helaan bilad geesigii ay mudnaayeen, shacabkuna uga lumin qiimiga iyo qadarinta ay u hayaan naf hurida iyo halyeeynimadka ‘’

Hadalka siyaasigan ayaa imaanaya , iyadoo aad loo arko sawiro lagu soo galo goobaha ay socdaan howlgalada isla markaana siyaasiinta ama madaxda dalka aan ka qayb qaadan howlgalka taas bedelkeena uun ay muujiyaan in sawir ay ku soo galaan goobaha dagaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.