Museveni oo shaaciyay XOG cusub oo ku saabsan weerarkii Buulamareer

Museveni oo shaaciyay XOG cusub oo ku saabsan weerarkii Buulamareer

Kampala (Raxanreeb) Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida

Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha ayna cagta mariyeen saldhigii ay halkaasb ku lahaayeen.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 54 askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha, laguna dhaawacay tiro kale

Leave a Reply

Your email address will not be published.