Tiro Hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Tiro Hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro Hobiyeyaal ah oo goordhaweyd lagu garaacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo inta badan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa si gaar ah ugu dhacay degmooyinka, Xamarjabab, Xamarweyne iyo Shibis ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Hoobiyeyaasha qaar inay ku dhaceen guryo ay deggan yihiin dadka shacabka ah, waxaana la soo wariyay in hal ruux uu ku geeriyooday, saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Inta badan weerarada noocan oo kale ee madaaficda ayaa waxaa masuuliyadooda sheegta kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in todobaadyo ka hor ay kooxdu tiro Hoobiyeyaal ah ku garaacday agagaarka xarunta madaxtooyada iyo xerada Xalane oo ku dhex taalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay lamaaha amniga oo ay uga hadlayaan Hoobiyeyaashan khasaaraha dhaliyay ee saakay lagu garaacay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.