Islamabad (Raxanreeb) — Inkabadan 10 oo isku qooys ah, oo uu ku jiro wiil 2 jira ah, ayaa lagu dilay weerar arxan darro ah, oo xilli danbe oo habeen ah, ka dhacay waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, sida ay maanta sheegeen booliska dalkaasi.
weerarkan ayaa lagu dilay labo nin oo walaalo ahaa xaasaskooda iyo lix carruur ah, oo da’doodu ahayd 12 jir illaa iyo 2 jir ka yar iyo qof marti u ahaa degmada Lakki Marwat, ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa habeenimadii talaadada ahayd.
“Baaritaanka horudhaca ah, masoo jeedinayo inuu la xiriiro argagaxisonimo,” ayuu yiri taliyaha booliska ee degmada Tariq Habiib, u sheegay wakaaladda wararka AFP.
Khilaafaadka qoysaska ayaa ku badan Pakistan, laakiin gobolka waqooyi-galbeed — halkaas oo bulshooyinku u hoggaansamaan xeerarka sharafta dhaqanka – waxay noqon karaan kuwa rabshado leh, oo sii jira qarniyaal.
“Meesha kama saari karno suurta-galnimada naceyb shaqsiyeed, anaga oo weli wadna baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdada,” ayuu sarkaal boolis Mamoor Shah u sheegay AFP.
“Waxaa lagu dilay hub seef ah, qaarkoodna waxaa ku yaallay dhaawacyo xabbad,” ayuu yiri.
Dhacdada ayaa waxaa booliska kusoo wargeliyey deriska qoyska.
Bishii March ee sanadkii tagtay, isla gobolkaas, 11 qof oo uu ku jiro siyaasi caan ka ah deegaanka, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu eedeeyey khilaaf ka dhaxeeyey laba qoys.
Sidoo kale, 16 qof ayaa daqiiqado gudahood lagu dilay isla gobolkaas bishii May ee tagtay markii laba qoys uu ka qarxay dagaal salka ku haya muran dhuleed soo jiray tobanaan sano.
AFP