Toga  Magaalada Hargaysa oo dad ay ku dhinteen kuwo kalena lagu la’ yahay

Toga  Magaalada Hargaysa oo dad ay ku dhinteen kuwo kalena lagu la’ yahay

Hargaysa ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Hargaysa ee Somaliland ayaa sheegaya in halkaas uu dhacay shil- gaari .

Shilkan gaari ayaa sabab u ahaa ka dib markii gaariga oo ahaa nooca raaxada ah uu ku dhacay Toga magaaalada Hargaysa oo biyo badan ay ku jireen.

Inta la xaqiijiyay shilkaas ayaa waxaa ku dhimatay oo weli meydkeeda la la’yahay Haweeneey lagu Magacaabi jiray Najax, waxaana laga soo badbaadiyay wadihii Gaariga iyo Gabar yar oo saarneyd Gaariga.

Kooxaha gurmadka ee Somaliland  ayaa ku howlan sidii loo heli lahaa dadka lagu la’ yahau toga magaalada Hargaysa.

Maamulka degmada Hargaysa ayaa sheegay in baadi- goobkan ay rejo ka qabaan in la helo dadka lagu la’ yahay tooga magaalada oo biyo badan ku jira oo ka dhashay roob halkaas ka da’ay.

Si – kasta dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale dad ay ugu dhinteen togga magaalada Hargaysa ee Somaliland , waxaana xiligan oo kale dhibaato dadka magaalada ay ku qabaan togan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.