Galbeedka magaalada Nairobi oo 14 qof ay ku dhinteen+ sababta

Galbeedka magaalada Nairobi oo 14 qof ay ku dhinteen+ sababta

Nairobi ( Raxanreeb ) Gaari ay saarnayeen arday iyo mid dadka rayidka ayaa shil ku – galay galbeedka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In ka badan 14 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kuwaas oo u badnaa arday iskuul u socotay.

Baska oo ka tegey caasimadda Nairobi kuna socday magaalada Nakuru, ayaa darawalka gaarigu wuxuu markeliya lumiyey xakamayntii gaariga, isaga oo ku dhacay gaari kale oo waddada marayey.

Kooxaha – gurmadka ah ee gaaray halka uh shilka ka dhacay ayaa sheegay in dadka qaar ee ay qaadeen xaaladooda ay aad liidato inkastoo ardayda qaar dhaawacyo fudud uu gaaray.

In ka badan 30 qof ayaa saarna gaariga shilka galay ee rayidka halka kan ardayda ahna ay saarnayeen 25 sida ay sheegeen saraakiisha badbaada ee gurmadka deg deg ah oo sameeyay tiro koob horudhac ah.

Hay’adda qaran ee badbaadada gaadiidka ayaa sheegtay toddobaadkii hore in illaa 974 qof ay shilal gaari ku dhinteen dalka oo dhan, tan iyo bishii January ee sannadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.