TPLF ”Soomaalidu waa in aysan ka qayb – noqon dagaalka Itoobiya”

TPLF ”Soomaalidu waa in aysan ka qayb – noqon dagaalka Itoobiya”

Adis -Ababa(Raxanreeb ) Magaalooyin ka mid ah dalka Itoobiya waxa ka sii socda dagaalada u dhaxeeya kooxaha Jabhada ee ku kacsan Dowladda Federaalka Itoobiya kuwaas oo la wareegay magaalooyin muihiim ah.

Afhayeen u hadlay kooxda TPLF ayaa sheegay in qowmiyadaha dalkaas uu uga digayo ka qayb galka dagaalka dalkaas ka socda oo ay Soomaalida ku jiraan.

Isgoo la hadlayay Telefishinka Tigray ayaa Afhayeenka TPLF, Getachew Reda sheegay in dalkaas ay ka jirto xaalad halis ah loona baahan yahay in shacabka laga dulqaado oo uu ula jeeday Dowladda Abiy Ahmed.

” Waa uu sii socon doonaa halgalka aan ku xoraynayno dadkeena waxa nabada diidan oo heshiiska xabad joojinta jabay waa Abiy ” ayuu sheegay Afhayeenka TPLF.

Wuxuu sheegay dadaal xoogan ay ku bixin doonaan ‘inay aayahooda u halgamaan xabbadda ay ridayaan in aysan kala garaneyn Soomaali, Amxaara, ama cid kale
”Ma kala garaneyso xabbadda, qofka wajiga ayay uga dhaceysaa” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka kooxda TPLF.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya, halka malaayiin kalena ay ku bara kaceen. Ku dhawaad 10 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.