Trump oo maanta hortagaya maxkamad ku taalla New York

Trump oo maanta hortagaya maxkamad ku taalla New York

NewYork (Raxanreeb ) Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York ee dalka Mareykanka

Madaxwayne Donald Trumpayaa  noqon doonaa madaxweynihi ugu horreyay Mareykanka ee lasoo hortaago maxkamad, iyada oo loo heysto danbi.

18 saac ayaa ka dhiman xilliga gar-maqalku bilaaban doono balse balse Warbaahinta Gudaha & Dibada ayaa durba qalabkooda hor camirtay afaafka hore iyo nawaaxiga Maxkamada.

Waxyaabaha loo loo heysto Trump waxa ka mid ah qarin dambi iyo laaluush uu bixiyay, Bill Clinton  ayaa hore loogu oogay dacwado la xiriira inuu xad gudub galmo uu la sameeyay gabar.

Sida ay u muuqato, madaxweyne Donald Trump waxa uu u hoggaansamay awaamirta maxkamada iyo gar-maqalka dacwada ka dhanka ah.

Booliska New York ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta Trump Tower iyo Maxkamadda Dambiyada ee Manhattan. Trump oo 76 jir ah ayaa madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024

Leave a Reply

Your email address will not be published.