Dagaal u dhaxeeyay Somaliland & kooxaha deegaanka oo ka dhacay Laascaanood

Dagaal u dhaxeeyay Somaliland & kooxaha deegaanka oo ka dhacay Laascaanood

Laascanood (Raxanreeb ) Ciidanka Soomaliland iyo kuwa deegaanka ayaa markale  iska hor imaad uu ku dhaxmaray duleedka magaalada laascanood ee gobolka Sool.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa SSC oo roondo waday iyo kuwa Somaliland oo si kadis ah isaga horyimid bariga magaalada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Somaliland ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Xaafado katirsan magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyootay halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan kaddib markii dagaal xooggan uu dhex maray Ciidamada Somaliland & SSC oo ku hardamaya gacan ku heynta Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ayaa billowday 6dii Febaraayo 2023, maalin kaddib waxaa u buuxsamaya labo bil oo toos ah iyada oo weli ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaalamay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.