Trump oo qaati ka taagan Putin kuna tilmaamay ‘nin waalan’

New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan la dhacsaneyn dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ka dib markii uu duqeyn ballaaran oo dhanka cirka ah ku qaaday Ukraine.

Dhaleecayn aan looga baran waayahan ayuu Trump ka dul dhacay Putin, isagoo is weydiiyey waxa baas ee helay. Wuxuuna goor dambe Putin ku tilmaamay “nin waalan”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa goor sii horreysey sheegay in aamusnaanta Washington ee weerarka Ruushka uu dhiirrigelinayo Putin, wuxuuna ku boorriyey in Russhka la saaro cadaadis xooggan – oo ay ku jirto cunaqabateyn – si loogu dirqiyo xabad-joojin.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay , tiro intaas ka bandanna wey dhaawacmeen, ka dib markii Ruushku uu gantaallo iyo diyaarahada iswada ku miray Ukraine habeen saqdhexe – taas oo ka dhigan khasaarihii ugu ba’naa ee habeen qura la geysto tan iyo markii Putin ku duulay dalkaas 2022.

Dhawaaqa seeriga dhiillada ee digniinta ka bixiya weerrarda soo folleh ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta laga maqlayey magaalooyin kala duwan oo ku yaal Ukraine.

Leave a Reply

Your email address will not be published.