Taliyaha ciidanka dhulka oo degmada Moqokori u tagay dardar gelinta dagaalka

Taliyaha ciidanka dhulka oo degmada Moqokori u tagay dardar gelinta dagaalka

Moqokori ( Raxanreeb Online) Wafdi Saraakiil ah oo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil ciidan ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey Moqokori.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Hiiraan u tegay dardargelinta dagaalka Al-shabaab  ee ka socda soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.