Trump oo u digay Iran inuu faragelin doono haddii ay dilaan dadka dibad-baxaya

Trump oo u digay Iran inuu faragelin doono haddii ay dilaan dadka dibad-baxaya

Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay maamulka Iran inay dilaan dibadbaxayaal nabadeed, isagoo sheegay in Washington “ay u imaan doonto badbaadintooda”

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada, ayuu ku yiri: “Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

Lataliyaha sare ee hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku jawaabay isagoo sheegay in Trump uu “ka taxadaro” hadii uu soo farageliyo, isagoo ka digay qalalaase ka dhalan kara bariga dhexe.

Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka Iran kadib ku dhawaad todobaad oo ay socdeen mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya.

Jimcihii qoraal uu Trump soo dhigay bartiisaTruth Social, wuxuu sheegay “Haddii Iran ay toogto oo ay si xun u disho dibad-baxayaasha nabdoon, taas oo ah caado ay leeyihiin, Maraykanka wuxuu u imaan doonaa badbaadintooda .”

Qoraalkiisa, madaxweynaha Mareykanka kuma uusan cadeyn tallaabada Washington ay ka qaadi karto mas’uuliyiinta Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.