Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya doorashada guud

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya doorashada guud

Ankara (Raxanreeb ) Maanta oo Axad dadwaynaha dalka Turky-ga ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Madaxwaynaha xukumi doona dalkaas sanadaha soo socda ,  taas oo isha lagu wada- hayo maanta.

60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay ka codeeyaan gudu ahaan magaalooyink dalka ka codeeyaan.

Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax.

4-Musharrax ayaa ku loolamaya kursiga Madaxweynaha Dalka Turkiga, musharrixiintu waxa ay gudbinayaan fariimo kala duwan oo ay ku dhiirrageliyaan taageerayaashooda si aanay uga niyad-jebin codbixinta.

Axsaabta Mucaaradka ayaa damacsan in ay mar uun dhinaca dhulka u dhigaan Xisbiga Talada Haya ee AK Parti oo 2016kii ka badbaaday isku day afgambi oo lagu sameeyay Xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Doorashada Madaxweyne Erdogan uu galayo ayaa sanadkaan ayaa ah mid shacabka Turkiga ay ku tilmaameen tii qarniga, marka laga anbo qaado in dalka Turkiga laga qaadayo ganaaxii la saaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.