UGAND | Xisbiga mucaarad ah Yuwari oo lagu weeraray  Kampala.

UGAND | Xisbiga mucaarad ah Yuwari oo lagu weeraray  Kampala.

Kambala (Raxanreeb )- Ciidamada nabad-galyada dalka Uganda ayaa isku gadaamay xarunta xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas xili la qorsheeyay in uu ka dhaco dibadbax looga soo horjeedo dowlada oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Booliska ayaa buuxdhaafiyay agagaarka dhismaha Xafiiska Midnimada Qaran ee (NUP) oo ku yaalla meel u dhow caasimadda Kampala, halkaas oo la sheegay inay ka socatay qabanqaabada bannaanbaxyo dowladda ka dhan ahi.

Hanjabaadda mudaaharaadyadu ayaa ka caraysiisay madaxweynaha muddada dheer kursiga fadhiyay ee Yoweri Museveni, waxayna dowladdu sheegtay in dibadbaxyada ay gacmo shisheeye gadaal ka riixayaan.

Hoggaamiyaha xisbiga NUP Robert Kyagulanyi ayaa ku tibaaxay in laga hor istaagay inay soo galaan ama ka baxaan xarunta, wuxuuna ninkan oo loo yaqaan Bobi Wine intaa ku daray in dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah si sharci darro ah loo xiray”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.