Uganda oo xirtay 20 taageereyaal Arsenal kaddib guushii United

Uganda oo xirtay 20 taageereyaal Arsenal kaddib guushii United

Kampala (Raxanreeb) — Koox ka kooban 20 dhallinyaro taageereyaal Arsenal ah oo u dhashay dalka Uganda kuwaas oo u dabaal degeyay guushii kooxdoodu ka gaartay Manchester United Axaddii ayaa lagu xiray magaalada Jinja ee dalkaasi.

Wargeyska Monitor, ayaa sheegay in taageerayaashani ay wateen kulanyo baabuur ah kuwaad oo dad badani ay saarnaayeen taasoo keentay in xabsiga loo taxaabo maadaama uu sababi karo shil dhimasho badan sababa.

Taliska booliska ayaan wax warbixin ah, kasoo saarin weli dhacdadaan iyo xarigga taageerayaashan. Isku dayo badan oo lala sameeyay ciidamada ammaanka ayaan guuleeysan.

“Ma garanayo waxa aan sameynay lkn waxa aan si fudud ugu dabaaldegeynay guushii aan ka gaarnay kooxda aan xilfaaltanno ee Manchester United” taageere Baker Kasule oo wargeyska soo xigtay.Arsenal ayaa 3-2 ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United maalintii Axada eee toddobaadkan, guushaasi waxay siisay inay hoggaanka u qabato horyaalka Premier League.

Goolka laacibka Bukayo Saka iyo labo gool oo uu dhaliyay ciyaaryahanka Eddie Nketiah ayaa ka caawiyay naadiga lagu naaneeso Gunners in ay afka ciida u daraan kooxda Red Devils.

Marcus Rashfor iyo Lisandro Martinez ayaa Man United u dhaliyay labada gool ee guusha aysan u horseedin, Kooxda Arsenal ayaa haatan waxay hoggaanka ku haysaa 5 dhibcood waxaana eryanaya Manchester City.