WARBIXIN | Qorshaha NISA weerarkii xarunta gobolka Banaadir ka dib !!!

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dhaliil iyo dulduleelo amni ayaa soo baxaya ka dib weerarkii kooxda Al- Shabaab ay ka fuliyeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

In maalin cad gudaha kooxda Al- Shabaab u galaan xarunta gobolka Banaadir oo ah meel aad loo ilaaliyo ayaa keentay in laga shakiyo heerka amni ee caasimadda.

Hay’ ada NISA oo maalmahah waday qorshe isbedel ah ayaa hadda la sheegayaa in ay doonayso in wax ay ka bedesho habka ay u wajahayo amniga gobolka Banaadir.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkaas waxaa xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ka bilowday shirar kala duwan oo wax la isaga waydiinayo waxa weerarkaas fududeeyay.

Waxyaabaha hadda soo baxaya waxaa ka mid ah in xilligan ay kordhayaan wada- shaqaynta kooxda Al- Shabaab ay la leeyihiin ciidanka NISA ee ku sugan baraha kantarool ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa waaydan dambe waxaa ka dhacayay weeraro joogta ah oo ay fulinayeen kooxda Al- Shabaab , si gaar ah goobo muhiim ah oo dowladdu ay maamusho.

RBC ayaa ogaatay in Taliyaha Hay’ adda NISA uu bedelay saraakiisha qaar ee Hay’adda taas oo ka dhalatay falalka amni darro ee kordhaya ee ka jira caasimadda  iyadoo la doonayo in lala yimaado qorshe deg deg ah oo dhanka amniga ah.

Kooxda Al – Shabaab oo culays uu ka saaran- yahay meelo ka mid ah gobolada dalka ayaa la saadilinayaa in weeraro joogta ah ay ka fuliyaan caasimadda waxaana tusaale u ah weerarada ka dhacay  meelo muhiim ah oo caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.