Madaale oo booqday dad ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Gobolka

Madaale oo booqday dad ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Gobolka

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar ugu maqnaa Dalka Kuwait ayaa maanta dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho kaddib weerarkii lagu qaaday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Madaale oo ay wehlinaayan Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo lagu daweynayo dadkii kusoo wax yeeloobay dhibaatadii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir.

Madaale, ayaa sidoo kale kormeeray xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii uu weerarka ku soo qaadeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo isugu jiray Tacsiyeen, iyo Mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.