Uganda: Sagaal qof oo ku dhintay is-buurasho ka dhalatay dabbaaldegga sannadka cusub

Kampala (Raxanreeb) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay goob laga dukaameysto oo ku taalla caasimadda dalka Uganda dad badan ay isugu soo baxeen si ay u soo dhoweeyaan sanadka cusub, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay booliiska dalkaasi.

Kadib markii rashka ama bulaleerada hawada loo tuuray bannaanka suuqa xorriyadda ee magaalada Kampala, ayuu afhayeenka booliiska Luke Owoyesigyire sheegay in dadku “is-buurteen, taasi oo keentay in shan qof ay islamarkiiba dhintaan, dhowr qof oo kalena ay dhaawacmeen.”

“Kooxaha Gurmadka deg-degga ah ayaa goobta gaaray, waxaana ay dhaawacyadii u qaadeen isbitaalka, halkaasi oo lagu xaqiijiyay dhimashada sagal qof,” ayuu yiri.

Owoyesigyire ayaa sheegay in dhallinyaro ay ka mid ahaayeen dhibanayaasha laakin ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan da’da dadka dhintay.

Dabbaaldegga lagu soo dhaweynayo sanadka 2023-ka ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkan ku yaalla bariga Africa muddo saddex sano ah, kaddib xannibaado la xiriira cudurka safmarka Covid-19 iyo arrimaha ammaanka oo dalkaasi saarnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.