Galgaduud ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saakay ka dhacay deegaanka Kud-kudaaleey oo hoostaga degmada Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 12 ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 8 kale, kuwaasi oo saarnaa gaari noociisu yahay Laylo-calaawi, oo ku so jeeday magaalada Muqdisho.
Warar madax banana ayaa sheegaya in miinada ay qarxiyeen Al-shabaab, kaddib markii dadka gaariga saarnaa ay diideen bixinta lacag laaluush ah.
Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu saameeyn xooggan u geystay dadkii gaariga saarnaan, isla markaana gaariga uu burburay lana kala garan waayay rag iyo dumar midka ay yihiin meydadka.
Sidoo kale Hooyo iyo carruurteed ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay qaraxa.
Geesta kale warar kale ayaa tilmaamaya in Al-shabaab ay dadka safraya ku amreen in ay bixiyaan 6 dollar qofkiiba halka gadiidka laga rabo 35 dollar, gaar ahaan kuwa ka safraya gobollada dhex una socda magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa la tilmaamay in dadka ay ku amraan in ay maraan deegaanada ay ka taliyaan haddii ay ka amar diidaan ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Leave a Reply