Uk oo taageertay heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland

Uk oo taageertay heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Uk, oo war rasmi ah, kasoo saartay wada hadallada cusub ee dowladda federaalka iyo Somaliland, kuwaas oo uga socda dalka Jabuuti, ayay war kasoo kasoo saartay Uk.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Uk ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo dhoweeyay war murtiyeedka kasoo baxay wadahadallada ay labada dhinac ku yeesheen dalka Jabuuti, ayna yeesheen madaxweyne Xasan iyo Muuse Biixi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Uk ay soo dhoweeyneyso wadahadallada labada dhinac ah, iyo heshiiska haatan lagu gaaray iyo in ay tahay tallaabo xagga dib u heshiisiinta loo qaaday.

“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedka ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sh. Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib-u-heshiisiinta”ayaa lagu yiri qoraalka.

Dalka Uk ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay ee taageeray heshiiskan labada dhinac iyo wada hadallada hadda dib u billowday dowladda federaalka iyo Somaliland, iyadoo horey Uk uga dhaceen wadahadalladan oo kale.

Shirka xalay ayaa kasoo baxay kaas oo heshiis lagu gaaray illaa iyo 8 qodob oo rasmi ah, taasoo oo ahayd in dib loo billaabo wada hadallada hakad galay iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal waara.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay muddo la eg 30 maalmood gudahooda in go’aan rasmi ah, looga gaaro hannaanka geedi u socodka wadahadallada iyadoo lasoo magacaabayo guddi fududeeya wadahadallada.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraallada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee haatan socda.

“In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado” ayaa lagu yiri bayaanka Uk.