Muqdisho (Raxanreeb) — Ururka Al-Shabaab, ayaa si deg deg ah, u sheegtay qaraxyo iyo weerarro toos ah, oo caawa ka socda Hotelka Xayaat, oo ku yaalla agagaarka isgoysaka KM 4 ee bartamaha Magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu shaaciyay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah, oo lagu beegsanayo masu’uliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.
Sidoo kale warka Al-Shabaab, waxaa lagu sheegay in qarax kale ay sarakiil boolis ah, kula beegsadeen agagaarka xarunta CID-da, kuwaas oo gurmad ahaan ugu socday goobta, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kale.
Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ugu yaraan saddex qarax oo labo la xaqiijiyay inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiisa si toos ah isku qarxiyay ayaa ka dhacay Hotel Xayaat.
Leave a Reply