Venezuela:  in ka 14 oo  ku geeriyootay  god dahabka laga qado.

Venezuela:  in ka 14 oo  ku geeriyootay  god dahabka laga qado.

Venezuela (Raxanreeb ) –Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  khasaaraha  ka dhashay  god dahabka laga qaado Venezuela uu ku dumay shaqaalo  halkaas ku jiray , waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 14- qof .

Waxa warkan warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil  gurmad ah  Venezuela ah  kuwaas goobta  u gaaray in dad wali dhismaha hoostooda ku jira laga soo saaray.

Guddoomiyaha gobolka Bolivar ee bartamaha Venezuela, Angel Marcano ayaa u sheegay wariyaasha maxalliga ah, in godka laga soo saaray 14 meyd iyo 11 dhaawac ah, isla markaana ay jiraan dad wali ku go’doonsan.

Dadka dhaawac ah oo aad u daran ayaa la sheegayaa in loola cararay goobaha caafimaad ee dalkaas  si loo badbaadiyo , waxaana dhaqaatiirtu ay ku warameen in ay ay ku jiraan dadaalka badbaadinta dadka dhaawaca oo daran.

Waxa kale oo uu sheegay in ay wadaan howlaha gurmadka ah ee lagu samata-bixinayo dadka ku go’doonsan godka dahabka laga qodayay ee soo dumay.

Goobta uu shulka ka dhacay ayaa ku taalla degmada Angostura, waana deegaan lagu tago doon waqtigeeda qaadanayo muddo saacada ah.

Dowladda  Venezuela ayaa sheegtay in ay socdaan dadaalo badan oo ay ku doonayaan in la soo badbaadiyo shaqaale badan oo u baahan in loo gurmado kuwaas oo ku jira dhulka hoostiisa.

Dalka Venezuela marar badan ayaa sidan oo kale waxa uga dhacday masiibooyin badan oo la xiriirta , dhimashada dadka dahabka ka qado dhulka hoostiisa , dowladuna wali go’aan ma aysan ka soo saarin dhibaatooyinkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.